Axmed Madoobe oo isbedel deg deg ah sameeyay, xili uu u jiheystay dagaalka Shabaab.

Nov. 29 (Jowhar.com) -Madaxweynaha maamulka Jubaland oo u muuqda inuu markan usoo jeestay gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa isbedel maamul oo deg deg ah sameeyay.

Xalay oo kaliya xafiiska Axmed Madoobe waxaa ka soo baxday saddex digreetao oo laba kamid ah lagu soo magacaabay taliyayaal ciidan, halka mida kalena gudoomiye gobol eheyd.

Wareegtada u horeysay ee Axmed Madoobe soo saaray waxaa lagu magacaabay Xasan Cabdi Guure oo noqonaya Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose, halka ku xigeenkiisa uu u magacaabay Muuse Maxamed Sheekh.

S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayuu Axmed Madoobe u magacaabay Taliyaha ciidamada darawiishta maamulka Jubbaland.

Sidoo kale S/Guuto Cabdullahi Cabdi Yuusuf ayaa isna loo magacaabay taliyaha booliska Jubbaland, halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/Sare Xuseen Cali Xaashi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More