Shan ruux oo isku qoys ahaa oo xalay lagu dilay degmada Warsheekh.

Nov. 29 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in dabley qabiil ahaan u abaabulan ay si arxan darra ah u dileen dad isku qoys ahaa, iyadoo weerarkan uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Warsheekh.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, Deegaanka Xaluule oo ah halka dilka uu ka dhacay ayaa lagu toogtay Shan ruux oo isku qoys ahaa, waxaana weerarkan lala xiriiriyay aanooyin qabiil oo hore isla gobolkaasi uga dhacay.

Shanta ruux ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen, iyada oo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen raggii hubeysnaa ee dilka u geystay dadkaas.

Xiisad salka ku heysa dil wadareedkan dadka isku qoyska ahaa loo geystay ayaa saaka laga dareemayaa aagga degmada Warsheekh, iyadoo arrintan ay barbar socoto dadaalo ay hormuud u yihiin Odayaasha deegaanka oo isku dayaya iney xaaladda qaboojiyaan.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday gobolka Sh.Dhexe uu sheegay in talaabo cad laga qaadi doono cidii abaabusha dagaal beeleed ama dil geysata, iyadoo xiligaasi ay dhinac taagnaayeen Gudoomiyaha Maxkamda sare ee ciidamadda qalabka sida Liibaan Cali Yaroow iyo Gudoomiyaha maxkanada dsrajasa Koowaad ee ciidamadda Xasan Cali Nuur Shuute.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More