Baarlamaanka oo ku dhawaaqay xiliga la dooranayo gudoonka baarlamaanka iyo lacagta laga qaadayo Musharaxa madaxweyne.

April 18 (Jowhar.com) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow kulan aan caadi eheyn waxa uu uga furmay xarunta golaha shacabka, iyadoo kulanka looga arinsaday xiliga ay dhaceyso doorashada gudoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo lacagaha laga qaadayo musharixiinta u taagan xilka gudoonada labada baarlamaan iyo madaxweynaha.

19-ka ilaa 20-ka bishan April ayaa la bilaabayaa diiwaan-gelinta murashaxiinta guddoonka Golaha Shacabka. (9:00 ilaa 16:00 xilliga Shaqada). 23-ka bishaan ayaa loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Golaha Shacabka. Maalinta xigta ee 24-ka April ayaa sidoo kale loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.’ 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April.

Doorashada gudoonka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sidoo kale la isku raacay in la qabto 26-ka bishan, iyadoo arrimahan oo idil looga gol leeyahay sidii loo yareyn lahaa cadaadiska ka imanaya wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay xerada Xalane.

Xildhibaanada labada aqal ayaa sidoo kale isku raacay lacagaha laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadiisa, Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha waa 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).

Kulanka mudanayaasha oo maanta ah mid aad xasaasi u ah ayaa sii socda, iyagoo sidoo kale ka arinsanaya habraacyada doorashada gudoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha, maadaama waqtiga yar ee harsan la doonayo in laga faa’ideysto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More