Askari Muqdisho ku dilay wiil dhalinyara ah oo korinayay 16 caruur ah

April 18 (Jowhar.com) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii danbe ee shalay aargada degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyara ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj, iyadoo dilka kadibna uu goobta isaga cararay gacan ku dhiiglaha.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Daa’uud Cadar Cilmi ayaa xiliga la tooganayay u sii socday hoygiisa si uu ugu soo afuro, balse askari xirnaa dharka Milatariga ayaa rasaas ku dhuftay, iyadoo aan wali faah faahin laga bixin sababta dilkan ka danbeysay, iyadoo meydka marxuumka markii danbe ay qaateen qoyskiisa.

Marxuum Daa’uud Cadar Cilmi ayaa ahaa Aabe dhalay 8 caruur ah uu korinayay, waxa uu sidoo kale gacanta ku hayay nolosha 8 ruux oo kale oo ay walaalo yihiin, isagoo mas’uuliyada labadaas reer dusha u ritay maadaama 30 maalin kahor uun uu geeriyooday Aabihiis, wuxuuna reerahaasi ka biili jiray lacagta uu ka soo shaqeysto Mooto Bajaajta.

Hooyada dhashay wiilka la dilay oo wajigeeda laga dheegan karay tiiraanyo aad u daran ayaa Warbaahinta Somali Cable TV u sheegtay iney cadaalad u raadineyso wiilkeeda.

“Daa’uud Aabihiis bil-buu duugan yahay hadda dhow ayuu dhintay aniga hadda Asaay ayaa ii saaran. Sideed caruur ah oo isugu dhalay iyo sideed kale oo aan aniga dhalay oo isagu u dhaq-dhaqaaqayey ayaa ku nool meeshaan marka xaq darro ayaa lagu dilay,”ayey tiri Hooyada.

Waxa ay fariin culus u dirtay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo Duqa Muqdisho, iyadoo ka dlabatay in sharciga loo horkeeno gacan ku dhiiglihii dilay wiilkeeda, sidoo kale dadka shacabka ah ayey ka dalbatay iney garab istaag u muujiyaan, maadaama marxuumka uu ahaa isha kaliya ee labadaasi reer ay ku noolaayeen.

“Waxaan codsaneynaa ninkaas dadkii xaq darrada ku dilay dadka ay quseysay oo ra’iisul wasaaraha leh oo madaxweyne leh oo guddoomiye leh inaan cadaalad helno. Cadaalad ayaan u baahanahay dad maras ah ayaa nahay isagaa noo dhaq-dhaqaaqayey aniga waayeel ayaan ahay” ayey markale tiri Hooyada dhashay Marxuum Daa’uud Cadar Cilmi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More