Kooxda Daacish oo ku dishey Afartan ruux Galbeedka Uganda

June. 17 (Jowhar.com)-Ugu yaraan afartan ruux oo badankood ahaa arday ayaa lagu diley galbeedka Uganda iyadoo dilkaas lala xiriirinayo kooxda Daacish.

Weerarkan oo lagu qaaday dugsiga sare ee Lhubiriha ee ku yaal Mpondweay ayna wax ku bartaan wiilasha ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacantay siddeed ruux.

Kooxda Allied Democratic Forces (ADF) – oo ah koox Ugandan ah oo fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) – ayaa lagu eedeeyay weerarkan oo dhacay Jimcihii.

Fallaagada ADF waxay gubeen qol jiif iyo bakhaar cunto kadib markii ay bililiqeysteen keydkii ku jirey bakhaarka.
iyagoo sidoo kale la bililiqaystay intii ay shilkan socdeen, ayuu yiri Mr Enanga. Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegay in ay gubeen joodariyaasha ardayda, waxaana sidoo kale loo malaynayaa in ay qaraxyo ka geysteen dugsiga.

Maleeshiyooyinka ay ka mid yihiin ADF ayaa sidoo kale gabaad ahaan u isticmaala dhul ballaaran oo xuduud la leh Uganda iyo Rwanda.
Uganda iyo DRC ayaa si wadajir ah howlgalo militari uga sameeyay bariga Congo si ay uga hortagaan weeraro kaga yimaada ADF.

Ciidamada ammaanku waxay hayeen xog sir ah oo ku saabsan in fallaagada ay ku sugnaayeen aagga xudduudda ee dhinaca DRC ugu yaraan laba maalmood ka hor weerarka habeenkii Jimcaha, ayuu yiri Major General Olum.

Dhacdadan dhimashada badan ayaa daba socota weerar todobaadkii hore ay dagaalyahano looga shakisan yahay ADF ay ka geysteen tuulo ku taal DRC oo u dhaw xadka Uganda.

Weerarkan lagu qaaday Iskuulka oo ku yaalla meel wax ka yar laba KM (1.25 miles) u jirta xadka DRC, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo lagu qaado Iskuul ku yaalla Uganda muddo 25 sano ah.

Bishii Juun 1998-dii, 80 arday ayaa lagu gubay qolalkii ay seexanayeen weerar ay ADF ku qaadday Machadka Farsamada ee Kichwamba oo u dhow xudduudda DRC. Weerarkaas ayaa in ka badan 100 arday ayaa la afduubtay.

ADF ayaa laga sameeyay bariga Uganda sagaashameeyadii, waxayna hubka u qaadatay madaxweynihii mudada dheer xilka hayay, Yoweri Museveni, iyagoo ku eedeeyay dowladda inay cadaadis ku hayso muslimiinta.Ka dib markii ay jabiyeen ciidamada Uganda 2001, waxay u guureen waqooyiga Kivu ee DRC.

Aasaasihii kooxdan, Jamil Makulu, ayaa lagu xiray Tanzania sannadkii 2015-kii, waxaana uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Uganda. Fallaagada ADF waxay ka hawlgalayeen gudaha DRC labaatankii sano ee la soo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More