Dowaldda oo mowqif adag ka qaadatay duulaanka Somaliland ee Laascaanood

Feb. 07 (Jowhar.com)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa mowqif ka qaadatay xaalada ka taagan magaalada Laascaanood, iyadoo soo dhaweysay rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanood.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda oo uu warbaaninta u akhriyay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa lagu cadeeyay in dowladda ka xun tahay dhibaatada lagu hayo shacabka Laascaanood, waxaana beesha caalamka loogu baaqay iney gurmad deg deg ah la gaaraan dadka colaadaas ku barakacay.

“Dawladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo akhriyay bayaanka Xukuumadda ka soo saartay Xaalada Laascaanood.

Si kastaba, maalintii labaad ayaa dagaal culus waxa uu ka socdaa duleedka magaalada Laascaanood, iyadoo dagaalkaasi uu u dhexeeyo ciidan taabacsan Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac badan ayaa kala gaaray labada dhinac, mana muuqato wax waan waan ah oo laga dhex bilaabay labada dhinac, iyadoo dagaaladii u danbeeyay khasaare culus lagu gaarsiiyay dhanka Somaliland oo xitaa saraakiil iyo askar dhankooda ahaa ay usoo goosteen dhinaca SSC.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More