Madaxweyne Xasan oo soo jeediyay in la tixgaliyo rabitaanka shacabka Laascaanood

Feb. 07 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka, iyadoo dagaalka uu galay maalinkiisii labaad oo xiriir ah.

Madaxweyne Xasan oo soo duubay muuqaal soconaya lix daqiiqo iyo bar ayaa tilmaamay in arrinta Laascaanood ay tahay mid siyaasadeed, xalkeedana ay tahay in lagu raadiyo deganaan iyo wadahadal

“Mushkiladda ka taagan Sool iyo Sanaag xalkeedu waa xal siyaasadeed in si siyaasad ah loo xaliyo. Siyaasadda guud ee Soomaaliya iyo midnimadeeda lagu raadinayo ayaana xalka Sool & Sanaag uu ku dhex jiraa” ayuu yiri madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo soo jeediyay in la tixgaliyo rabitaanka shacabka Laascaanood ayaa dhanka kale ku baaqay in xabad joojin deg deg ah la sameeyo, labada dhinacna ay isugu yimaadaan kMiiska wadahadalka.

“Rabitaanka dadka hala ixtiraamo qorayga hala dhigo, xabadda hala joojiyo miiska hala’isku yimaado oo hala wada-hadlo,” ayuu madaxweyne Xasan hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, madaxweynaha, ra’iisul wasaraaha dalka, kuxigeenkiisa iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa shaklay kulan gaar ah ka yeeshay qadiyada gobolka Sool, walow lagu kala aragti duwanaaday qaabka xalka loo abaarayo, ayaa hadana dhinacyada waxey isku raaceen in la canbaareeyo duulaanka Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More