Guddoomiye Cirro;”Doorashada waa ay soconeysaa wixii khalad ahna waa la xalinayaa”

Guddomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa ka hadlay doorashada golaha shacabka ee dhawaan ay sheegeen Midowga Musharaxiinta inay tahay mid boob ah ayna tahay in la hakiyo.

Maxamed Xasan Cirro guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in aanay marnaba xalka ku jirin in doorashada la hakiyo, isagoo xusay intaas bedelkeed la xallin karo wixii tabasho oo doorashada ka dhashay.

“In guddiyadeennu wixii ay qaldamay ay saxaan waa waajib saaran. Balse waxay u baahan tahay dhinacyo badan oo iskaashi leh,” ayuu yiri Cirro.
Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal,

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo in la isku yimaado oo laga tashado sidii horey loogu socon lahaa, si meesha looga saaro taag taaga doorashadana ugu qabsoomto waqtigeeda.

Maxamed Cirro ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashooyinka 2021-ka, ayna kala shaqeeyaan doorashada.

Warkan ka soo yeeray guddoomiye Cirro ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ay qaadaceen doorashada Golaha Shacabka, iyagoo dalbaday in gabi ahaan la joojiyo doorashada, si loo xalliyo boob ay sheegeen in lagu hayo kuraasta baarlamaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More