Qarax lagu diley ciidamo ka tirsan AMISOM gobolka Sh/dhexe

Qaraxyo mataano ah ayaa Sabtidii shalay lala beegsaday askarta Burundi ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in miinada dhulka lagu aasay lala eegtay kolonyo ciidamada AMISOM meel u dhexeysa Mahaday iyo Buurane oo illaa 23 km dhinaca Waqoyi ka xigta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle waxaana ku dhintey aafar ka mid ah ciidamada AMISOM ee kolonyada la socday.

Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo sheegtay in weerarkaas ay ku dileen afar askari oo ka tirsan ciidamada Burundi.

Mahadaay, oo saldhig u ah AMISOM, waa magaalo beeralay ah oo ku taal meel 118 kilomitir (73 mayl) waqooyi ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sarkaal u hadlay AMISOM ayaa sheegay in argagixisada Al-Shabaab ay si ula kac ah ugu fataheen tuulooyin ka tirsan gobolka si ay u joojiyaan safarka ciidamada AMISOM iyo kuwa qaranka Soomaaliya.

“Dhanka kale Al-Shabaab waxay si bareer ah ugu fatahiyeen tuulooyinka u dhexeeya Balcad iyo Jowhar kadib markii ay jabiyeen kaydadkii biyaha ee deegaanka Xawaadleey oo la dhisay 1970-meeyadii, si loogu gurmado gobolada Shabeellooyinka xilliyada Jiilaalka, waxayna taasi u sameynayaan cabsi ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyo ciidan. oo ka dhan ah waxyaalahooda xun,” ayuu yiri.

Horaantii Sabtidii, ayay ahayd markii qarax ka dhacay magaalada Jowhar uu ku dhintay hal qof oo rayid ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale oo ay ku jiraan laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana ay sheegeen in ay la eegteen xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More