Howlgal ka dhan ah “Ciyaal Weero” oo xalay laga sameeyay degmada Dharkiinleey

April 18 (Jowhar.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay cabasho mudooyinkii la soo dhaafay ka soo yeereysay dadka shacabka ah ee ku nool xaafado kamid ah degmada Dharkiinleey, kuwaasoo ka cabanayay dhalinyaro koox koox isu baheysatay oo Ciyaal Weero ah, iyagoo dadka dhacaya, dilaya, haweenka kufsanaya, gaadiidka iyo guryahana burburinaya.

Maamulka degmada Dharkiinleey iyo taliskooda booliska oo wada jira ayaa xalay howlgal balaaran ka sameeyay xaafadaha degmadaasi, iyagoo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro badan oo la isugu geeyay barxada weyn ee saldhigga Galbeed, halkaasoo isku shaandheyn kadib xabsiga la dhigay qaar kamid ah dhalinyarada ciyaal weerada iyo hoggaankooda oo qaarkood xiligaasi ku hubeysnaa baangado iyo mindiyo.

Taliyaha Booliska degmada Dharkenley Macalin Aadan ayaa warbaahinta u sheegay ineysan u dulqaadan doonin dhibaatada ay dhalinyaradaasi dadka shacabka ah ku hayaan, isagoo waalidiinta uga digay iney ilmohooda mar marsiyo aan waxba ka jirin u raadiyaan marka saldhigyada lagu xiro.

“Haddii cunugaagii oo gacanta lagu hayo ka daba imaato oo tiraahdo kama tirsaneyn waa inkirmaad ama difaacid, haddaad qarisaa la mid ah hadaad soo sheegi weyso ayaa la mid ah haddaad wax ka qaban weyso ayaa la mid ah,” ayuu yiri taliye Aadan.

Dhankiisa guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Guhaad Sheekh Xasan Cali ayaa sheegay in ay wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal weerada, asigoona dhinaca kale fariin u diray waalidiinta ku dhaqan Degmada Dharkeenley si ay gacan uga siin lahaayeen Maamulka ka hortaga Dhalinyarada dhibaatada ku heysa Bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More