Baarlamaanka oo Muqdisho ku leh kulan lagu ansixinayo Xeerka doorashada Guddoonka labada Aqal

April 18 (Jowhar.com) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya  fadhi wadajir ah oo lagu ansixinayo Xeerka doorashada Guddoonka labada Aqal, kulankan waxa uu ka dhacayaa xarunta Villa Hargeysa.

Xubno ka tirsan howlwadeenada hay’ada sharci dejinta ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Xeerkan lagu soo bandhigayo jadwalka doorashada Guddoonka labada Aqal oo la qorsheynayo in bishan gudaheed la doorto, si aan waqti badan loo khasaarin, iyadoo uu jiro cadaadis ka imanayo dhinaca wakiilada beesha caalamka.

Haddii bishan sida oqrshaha yahay bishan April dhexdeeda la doorto Guddoonka labada Aqal waxaa yaraan doona cabsidii laga qabay in bartamaha bisha soo socota ee May in dalka laga jarto taageeradii dhaqaale ee Kabka miisaaniyadda iyo inuu halis galo nidaamka dib u habeynta deyn cafinta dalka oo heerar kala duwan ka soo talaabay.

Dhinaca kalena, Olole la doonayo in dib loo dhigo doorashada Guddoonka Baarlamaanka Labada Aqal ayaa  ka socda Muqdisho, kaasoo abaabulkiisa ay wadaan Madaxweynayaal Dowlad Goboleed oo ku xiran Farmaajo iyo Madaxtooyada Villa Somalia.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa si kala gaar gaar ah loogu  bilaabay aragti iyo in lala hadlo, si ay kulanka Isniinta maanta ah u fashiliyaan, si dib ugu dhacdo jadwalka doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Guddiga doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 18-ka bishan  horkeeni doona Baarlamaanka xeerka doorashada Guddoonka labada Aqal oo la qorsheynayo in bishan gudaheed lagu qabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More