Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo xalay ka badbaaday isku day dil ahaa

April 18 (Jowhar.com) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay gelinkii danbe lagu qaaday hoyga uu magaalada Garbahaareey ka dagan yahay gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo mar ku xirnaa kooxda Villa Somaliya, walow markii danbe ay kala furteen iyagoo xilkii gobolka shaqsi kale u dhiibay.

Cismaan Nuur Xaaji Macalimow oo goordhow suxufiyiinta kula hadlay hoygiisa ayaa u sheegay inuu ka badbaaday isku day la doonayo in lagu khaarajiyo xiligii suxuurta, wuxuuna carabka ku adkeeyay in weerarka ay ku soo qaadeen ciidan ku beel ah madaxweynaha mudo xileedkiisa sharciga ah uu dhamaaday Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Waxa uu ka digay in mar kale la isku dayo fal noocaas oo kale ah, isagoona sheegay in gobolka Gedo ciidamada jooga dhamaan ay yihiin kuwo hal beel ah, wuxuuna meesha ka saaray in ciidan qaran ay joogaan magaalooyinka Garbahaareey iyo Dooloow oo kamida kuwa ugu waaweyn Gedo.

Si kastaba, majiro wax jawaab ah oo ay arrintan ka bixiyeen saraakiisha ciidanka iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan eeda ka timid gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow, iyadoo arintan ay ku soo beegmeyso xili magaalada Garbahaareey oo eheyd deegaan doorashadalabaad ee Jubaland laga wareejiyay doorashada kuraasta 16-ka ah waxaana codeyntooda lagu qabanaya magaalada Ceelwaaq.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More