Ilhaan Cumar oo guul ka gaartay doorashooyinka Mareykanka .

August 10 (Jowhar.com)-Ilhaan Cumar iyo ugu yaran saddex musharax oo kale oo Soomaali ah ayaa kusoo baxay doorashada horudhaca ah xisbiga Dimuqraadiga ah ee gobolka Minnesota, kaddib markii ay kasoo adkaadeen musharraxiintii kale ee la tartamayay, iyaga oo isku diyarinaya doorashada ay kaga hortayaan Xisbiga Jamhuuriga.

Senator Cumar Faatax ayaa dib u helay kalsoonida xisbigiisa. Zainab Mohamed ayaa iyana kusoo baxday doorashadii kurisga Aqalka sare ee Gobolka Minnesota, halka Samakaab Hussein uu iska ku guuleystay doorashada tartanka xildhibaan Aqalka hoose ah.

Si kastaba, Ilhaan iyo saddexda musharrax ee kale ee Soomaalida ee guuleystay ayaa haatan isku diyarinaya doorasho adag oo ay kaga hortegayaan xubnaha isbiga Jamhuuriga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More