Shan ruux oo lagu dilay goob ay ka socotay xaflad Aroos Afgooye.

August 10 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ay ayaa laga helayaa weerar lagu qaaday goob ay ka socotay xaflad Aroos oo ku taala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose.

Wararka hordhaca ah ee la helayo waxa ay sheegayaan in Tuulada Cadayleey oo u dhow degaanka Buulalow oo hoostaga degmada Afgooye ay tageen rag ku hubeysan AK47, isla mar ahaantaasina ay rasaas la dhaceen dadkii ku sugnaa xaflad aroos, iyadoo goobtii farxadda mar kaliya isu rogtay meel murugo iyo dhiig miiran ah.

Goob joogayal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney geeriyoodeen 5 ruux, halka 9 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogashadan, dadka dhaawaca ah ayaa loola soo cararay xarumo caafimaad oo Afgooye ku yaala.

Ciidamo ka tirsan laamaha amaanka ee degmada Afgooye oo tagay halkaasi ayaa ka sameeyay howlgalo balaaran, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta ku soo dhigaan ragii falkan ka danbeeyay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysay beegsiga kooxdan hubeysan ee xafladda arooska, waxeyse ku soo beegantay xili dhawaan sidan oo kale magaalada Cabudwaaq weerar dhimasho iyo dhaawac sababay loogu qaaday goob ay iyana ka socotay xaflad aroos.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More