James Swan oo ugu baaqay Madaxda Dowlad goboleedyada inay sii joogaan Muqdisho

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada dalka inay sii joogaan caasimada dalka illaa laga xalinayo khilaafka arimaha doorashoyinka.

Qoraal uu soo saray James Swan ayuu ku boggaadiyay Madaxda shirka u furmay ee hordhaca u ah Shirka Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka dalka ka dhacaya oo weli aan heshiis laga gaarin.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil. Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah” ayaa lagu yiri Qoraalka UN-ka.

Shirka hordhaca ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta Talaadada ah.

Golaha amaanka ee QM ayaa sidoo Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida inay ka shaqeeyaan doorasho loo dhan yahay u qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la eegayo, danta ummada Soomaaliyeed.

Baaqan ayaa ah kii labaad muddo bil gudaheed ah oo ay golahan oo ah kan ugu awoodda badan QM uu kasoo saaro arrimaha doorashada Soomaaliya.

Safiirka Britain ee golaha amaanka Barbara Woodward oo kulankan isugu yeertey iyada iyo xubno kale oo golaha ka tirsan ayaa sheegtey in James Swan uu u sheegey golaha in hanaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay dareen deg deg ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More