Xasan Sheekh;”In nala dilo aniga iyo Sheekh Shariif ayaa la qorsheeyay 19kii Febraayo”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la qorsheeyay in la qaarijiyo isaga iyo Madaxweynihii ka horeeyay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed 19-kii Febraayo ee sanadkan, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu si qaldan u isticmalayo ciidanka qaranka.

“Dadka lagu dulmiyey ee ciidanka lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wareysiga ku sheegay in sanadkii 2018kii mar ay kulmeen Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday in aan la siyaasadeyn ciidanka Qaranka, balse taas uusan dheg jalaq u siin, sida uu sheegay.

“Nasiib darro madaxweyne Farmaajo ciidankii siyaasadda ayuu geliyey, wiilasha yaryar ma dhihi karaan waxaan sharci ma’aha, laakiin waan la hadalnay anagu, marka dowladdan ciidamada waa bahdishay, waana duleysay, kalsoonida shacabka ayeyna kasii lumineysaa, wax kastana meesha ay ka qaldamaan waa kalsoonida,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Famaajo inuu qaaday sanadihii ugu dambeeyay falal lagu daandaansanayo isaga.

“Dowladda uu masuulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tol-ahey? Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaalamaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa talo u soo jeediyay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

“Waxaan leenahay Maxamedoow maantay weli tallo kugu sugan tahay ee yeysan dhaafin teendhada Afisyoone, berri Kampala, Jabuuti iyo Addis Ababa ha ka jerin, oo meel kale ha ka jerin,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Wareysigan ayuu Xasan Sheekh ku dalbaday in Soomaalidu ay tashato; “Maanta wadada kaliya ee furan waa in la wada-tashado, madaxweynuhu afartii sano ee lasoo dhaafay isagaa wax qaban waayey, maanta waxaa laga rabaa qof kasta inuu yiraahdo sidey kula tahay, taasna waa lagu kari la’yahay, Soomaaliya xaaladeedu meel xun ma tagi doonto ayaan qabaa, ee shakhsiyaadka dhibka badan iyagaa iska bixi doona, laakiin halka ay hadda joogto markii la fiirsho, hadii aan siyaasadda laga heshiin, wax kasta waa sii qaribmaayaan.”

Wareysiga lala yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli dalka uu ku jiro meel xasaasi ah waxaana laga gaari waayay heshiis sidii dalka doorasho looga qaban lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More