Kenya oo xaraasheysa mid kamid ah diyaaradihii dagaalka dowladii Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa bilowday inay iibiso mid kamid ah diyaaradihii dagaalka ee dowladii hore ee Soomaaliya taasoo muddo soddon sano ah tiil garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi.

Diyaaradan ayaa la sheegay in sanadkii 1991kii la geeyay magaalada Nairobi iyadoo haatan noqotay mid duugowday oo aan dhaqan gal ahayn.

Taliyaha ciidamada cirka dowlada Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali oo loo yaqaan Dable Baylood ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ah ee BBCda in ay ka war hayaan xaraashka dowlada Kenya ay ku iibineyso diyaaradaas.

Dowladii hore ee Soomaaliya ee uu hoggaamin jirey Maxamed Siyaad Barre ayaa lahayd diyaarado kuwo rakaab ah iyo kuwa dagaalba iyadoo wadamo caalamka ka mid ah la geeyay diyaaradahaas balse haatan ay noqdeen kuwo aan dhaqan gal ahayn kadib markii mudadiisa la dayacay.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya ee ku aadan xaraashka diyaarada dagaalka ee ay lahayd ciidamadii cirka ee Soomaaliya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More