Shan gabdho Soomaali ah oo saddex walaalo yihiin oo lagu dilay dalka Mareykanka

June. 17 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shir khasaare culus sababay oo ka dhacay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, iyadoo shilkaasi ay ku geeriyoodeen Shan gabdhood oo Soomaali ah.

Sida wararka hordhaca ah ee la helayo sheegayaan, shilka waxaa sababay nin la sheegay inuu watay gaari uu soo xaday, iyadoo ay eryanayeen ciidamada booliska magaalada, gabdhaha ayaa la tilmaamay iney xiligaasi kasoo bexeen Mall ku yaala halkaasi.

Mid kamida dadka Soomaalida ah eek u sugan Minisoto ayaa warbaahinta u sheegay in gabdhahan saddex kamida ay walaalo ahaayeen, iaygoo dhamaantood xiligaasi kasoo baxay meel ay isaga nasanaayeen xili ay ku jireen farxada qalin jabintooda.

“Gabdhuhu adeeg ayay ka yimaadeen marka shilbaa ku dhacay nin tuug ah oo gaari soo xaday ayaa waxaa weeye gabdhaha kormaray shantaba way dhinteen ilaahey ha u naxariisto saddex waa isku famil” ayuu yiri mid kamid ah culimada Soomaalida.

Mareykanka oo ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilal, kuwaas oo sababa khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More