Korneyl Buule oo lagu dilay Kismaayo iyo ninkii dilka ka danbeeyay oo…….

August 09 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose loogu geystay mid kamida saraakiisha ugu caansan deegaanada Jubaland.

Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Korneyl Maxamed Buule ayaa kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka qeybta 43aad ee ka howlgalla Kismaayo iyo hareereheeda.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamadda amaanka oo goobta ka agdhawaa ay toogteen ninkii hubeysnaa ee dilka sarkaalkan ka danbeeyay, waxaana socda baaritaano ku aadan sababta ka danbeysa toogashada uu ninkan u geystay sarkaalka iyo cida soo adeegsatay.

Si kastaba, Sarkaalka la dilay oo aad looga yaqaanay Magaalada Kismaayo ayaa horay uga qeyb qaatay dagaalo Ciidmada xoogga dalka degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose kula galeen Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More