Xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka oo ka shiraya baajinta banaanbaxyada Khamiista.

August 09 (Jowhar.com)-Magaalada Hargeyso waxaa haatan ka socda shir weyn oo u dhexeeya mas’uuliyiin ka socota xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka ah, kulanka waxaa dalbatay xukuumadda.

Sida wararku sheegayaan, Dhanka xukuumadda waxaa shirka ku metelaya Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, halka Xisbiga UCID ay metelayaan gudoomiye Faysal Cali Waraabe, Afhayeenkiisa iyo mid kamida gudoomiye kuxigeenada, halka xisbiga Wadani uu ka socda Axmed Xaaji C/llaahi Xamarji oo kamid ah gudoomiye kuxigeenada xisbigaasi.

Sida wararku sheegayaan, shirkan oo ah mid ay Albaabada u xiran yihiin oo saxaafada dibad joog ay ka tahay waxaa looga hadlayaa banaanbaxyada ay xisbiyada mucaaradka ah iclaamiyeen iney gobalada Somaliland ka dhigayaan 11-ka bishan oo ku beegan maalinimada Khamiista.

Lama oga waxa ka soo bixi kara shirkan, iyadoo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay isku dayeyso sidii ay uga hortagi leheyd banaanbaxyada oo indhaha caalamka ku soo jeedin kara rabitaanka dadka ee ah in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo oo aan wax dib u dhac ah la sameyn.

Si kastaba, Musharaxa Xisbiga Wadani C/raxmaan Ciro iyo Gudoomiyaha xisbigaasi ayaa la sheegay in sababta ay shirkan uga baaqdeen ay tahay caro ay ka qaadeen kudhowaad lix xubnood oo xisbiga ka tirsan oo shalay xabsiga loo taxaabay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More