Maalintii 3-aad oo dagaal culus uu ka socdo magaalada Laascaanood

Feb. 08 (Jowhar.com)-Maalinkii 3-aad ayuu galay dagaalka ka socda magaalada Lascaano, kaasoo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Ciidanka Somaliland, Hubka culus ayaa laga maqlayaa daafaha magaalada majiraan Faahfaahin dheeraad ah.

Ciidamadda Somaliland ayaa madaafiic culus kusoo garaacaya magaalada, iyadoo madaafiicda ay ku dheceen goobo ay dagan yihiin dad shacab ah iyo xaurmo caafimaad.

Somaliland waxay sheegaysaa in ay la dagaalamayso Argagixiso, Puntland iyo dad ay ugu yeertay kuwa Nabadda diidan, balse waxaa kasoo horjeeda dadka deegaanka oo diidan damaceeda.

Beesha caalamka oo war ka soo saartay xaaladda magaalada ayaa soo jeedisay in xabada la joojiyo, miiska wadahadalkana la isugu yimaado, iyadoo Somaliland ay dhegaha ka fureysatay baaqyada isdaba jooga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More