Saraakiisha caafimaadka oo ka deyrisay baaxada khasaaraha dagaalka Laascaanood

Dowladda Itoobiya oo ku guul dareysatay wadahadal ay ka dhex waday Somaliland iyo SSC

Feb. 08 (Jowhar.com-Dhakhaatiir ku sugan magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay dhibaatooyin kala kulmayaan fulinta shaqooyinkooda sababo la xiriira dagaalka halkaas ka socda oo galay maalintii saddexaad.

Tirada gawaarida gurmadka degdegga ah ee Ambalaasta ayaa aad ugu yar magaalada oo laga soo tebiyay khasaare badan.

“Ambalaasyadu waa shan oo keliya – kuma filna xaaladda taagan,” ayuu BBC-da u sheegay Dr Cabdi Majiid oo ka howl gala Isbitaalka Manhal ee magaalada Laas Caanood.

“Waxaan la tacaalnay dhowr qof oo dhaawac ah hal qofna wuu dhintay maanta, kani waa hal isbitaal, waad qiyaasi kartaa xaaladda ka jirta isbitaallada kale ee Somaliland. Waxaan fileynaa in ay tiradu kor u kacdo,” ayuu yiri Dr Majiid

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaanno lagu sameeyo dhacdooyinka laga soo tebiyay Laas Caanood oo ay dad badan ku dhinteen.

Dagaalka Laas Caanood ayaa u dhaxeeya militeriga Somaliland iyo maleeshiyo kasoo jeedda deegaanka oo la sheegay in ay doonayaan sidii ay dib ula midoobi lahaayeen Soomaaliya.

Soomaaliland ayaa 1991-kii ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya balse weli ma helin aqoonsi calami ah.

Laas Caanood ayaa xad la wadaagta dowlad goboleedka Puntland oo ka tirsan federaalka Soomaaliya.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More