Maxey ka dhigan tahay magacaabista gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir?

May 29 (Jowhar) Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay mar kale loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. Wuxuu caan ku ahaa doorkiisii muhiimka ahaa ee dhanka amniga iyo maamulka caasimadda Muqdisho, xilli ay jireen xaalado amni oo adag.

Xasan Muungaab wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Soomaaliya, waxaana ka mid ah:

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Intii uu hayay xilkan, Muungaab wuxuu caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.

Waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014. Intii uu xilkan hayay, Muungaab wuxuu ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga caasimadda.

Muddadii uu xilkaas hayay wuxuu suura geliyay dib u dhiska iyo ku shaqeynta Xarunta Aqalka dowladda Hoose, magacaabiddii iyo ku soo biirintii dhalinyaradii ku soo waxbaratatay dalka Suudaan oo uu magacaabay Guddoomiyeyaal degmo.

Barnaamijkii hanti isu celinta ee hanaqaaday waqtigiisa, hirgelinta kaabayaasha dowladda sida dhismayaasha jidadka caasimadda ee bilowday waqtigiisii.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda (2016 – 2017) Kadib markii uu dhammeystay xilkii Guddoomiyenimo, Muungaab waxaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda, isagoo ka shaqeynayay horumarinta nidaamka caddaaladda ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More