Hoggaamiyayaasha mucaaradka oo kulan gaar ah la qaatay wakiikada beesha caalamka
Jun 02 (Jowhar) Hogaamiyaasha Mucaaradka ee ku mideysan Madasha samatabixinta Soomaaliya ayaa maanta wakiillada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan la yeeshay kulan looga hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka.
Kulanka ayaa daba socda shirweynihii ay Madasha samatabixinta Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho oo ay bulshda qeybaheeda kala duwan kula tashadeen kadibna ay kasoo saareen war-murtiyeed khuseeya xaaladda dalka.
Shirka maanta ayaa si qota dheer leysaga warsaday sida dalka looga hir-gelinayo doorasho loo dhanyahay, heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Intii uu socday kulanka, ayaa hogaamiyaasha mucaaradka waxay si gaar ah diiradda u saareen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-tashiga iyo iskaashiga u dhexeeya dhinacyada siyaasadda ee dalka, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, xasillooni siyaasadeedna lagu gaadho.
Wakiillada beesha caalamka ayaa dhankooda muujiyay taageeradooda ku aaddan dadaallada lagu doonayo in lagu helo doorasho xor iyo xalaal ah, iyagoo xusay in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay ka wada shaqeeyaan nabadda, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Madaxda Madasha Samatabixinta Soomaaliya waxay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in la ilaaliyo dastuurka dalka iyo in la dhowro xuquuqda muwaadiniinta, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo horseedi kara dib-u-dhac iyo qalalaase.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la sii wado wadahadallada iyo la-tashiyada, lana xoojiyo doorka beesha caalamka ee fududeynta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xal u helidda caqabadaha jira. Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la dhiso guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo dardar-gelin lahaa tallaabooyinka lagu gaari karo doorasho loo dhan yahay.