Musharixiinta mucaaradka oo shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka gogosha uu iclaamiyay madaxweyne Xasan
Jun 02(Jowhar) Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa soo dhoweyay gogoshada Wadatashi ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay ku baaqeen in la caddeeyo ajandaha iyo qodobada looga wada hadlayo gogosha, iyagoo soo jeediyay qodobadan.
1- in Gogoshu noqoto mid wada hadal oo xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee daloa oo ay this gu horreeyaan dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, loogana wada hadlo sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha Argagixisada ah.
2- In ay noqoto gogol loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan dhammaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta Mucaaradka.