Sanbaloolshe oo mar kale ku soo laabanaya kursigii uu banneeyay ee HOP058
Jun 19 (Jowhar)-Magaalada Jowhar ee caadimadda maamulka Hirshabelle waxaa maalinimada beri ah ka dhaceyso doirashada kursuga xildhibaan ee sumadiisu tahay #HOP058.
Kursiga waxaa ku taranaya Agaasimihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe iyo shaqsi kale oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Warsame Faarax.
Waxey u badan tahay kursigan inuu kusoo bixi doono Agaasime Sanbaloolshe, maadaama isaga loo xiray oo ruuxa la tartamayana uu isaga keenaaday.
Markii uu madaxweyne Xasan u magacaabay xilka taliyaja NISA ayuu si toos ah booskan u waayay, walow aan la buuxin laakiin su ui kursiga ugu soo laabto waa inuu dib usoo tartamaaa mudane Sanbaloolshe.
Sanka iyo Ismaaciil Warsame ayaa maanta la gudoonsiigay shahaadada musharaxnimadooda, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.