War-murtiyeed laga soo saaray Gogoshii Wadatashiga Qaran ee Madaxweyne Xasan
Jun 19 (Jowhar)-War-murtiyeedkii galabta laga soo saaray dhammaadka Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh horay u iclaamiyay, balse aanay Mucaaradka ka soo qeyb galin ayaa diiradda saaray laba arrimood oo muhiim ah: dhamaystirka dastuurka iyo dimuqraadiyaynta iyo doorashooyinka.
Dhinaca dastuurka, war-murtiyeedku wuxuu ku tilmaamay dastuurka inuu yahay “dukumenti nool” oo mar walba wax-ka-beddel lagu sameyn karo. Gogoshu waxay adkaysay in dhamaystirka dastuurku yahay waajib qaran iyo mudnaan sare leh, iyadoo sidoo kale la xusay in afarta cutub ee horey u ansixiyay Baarlamaanka Federaalka ay yihiin qayb ka mid ah dastuurka. Waxaa la soo jeediyay in wixii aragti ah ee siyaasiyiintu ka qabaan cutubyadaas iyo kuwa harsanba lagu dhameeyo wadahadal siyaasadeed oo loo maro habraaca uu dastuurku tilmaamayo.
Dhinaca doorashooyinka, war-murtiyeedku wuxuu si cad u diiday in dib loogu laabto nooc kasta oo doorasho dadban ah. Waxaa si gaar ah loogu baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowladaha hoose ee deegaanada aan Puntland iyo Somaliland ahayn, iyadoo la kaashanayo khibradaha maamuladaas.
Gabagabadii, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii socoshada wadahadallada ku saabsan doorashooyinka heer dowlad-goboleed iyo heer federaal si loo gaaro heshiis loo dhan yahay, loona ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka. War-murtiyeedku wuxuu sidoo kale dhiirrigeliyay in gogoshu furnaato, isla markaana lagu casuumo dhammaan siyaasiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Waxaa la xusay in geeddi-socodka siyaasadeed uu noqdo mid Soomaaliyeed oo ka madax bannaan faragelin dibadeed, iyadoo markan doorka beesha caalamka aan si toos ah loo xusin.