SEIT Koofur Galbeed oo Baydhabo maanta ku qabanaya doorashada kursiga Hop#154.

April 21 (Jowhar.com) -Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada kursiga sumadiisu tahay Hop#154, iyadoo shalay shahaadada musharaxnimo la siiyay labada qof ee ku tartameysa.

Kursigan waxaa hore ugu guuleysatay xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla, balse waxaa dib u soo celiyay guddiga doorashooyinka heer federaal, iyadoo waxyaabaha lagu heystay ay la xiriirtay in haweeneyda la tartantay ee malxiisada u eheyd ay eheyd qof aan qaan gaarin

Nasteexo Maxamed Yuusuf oo Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed SEIT oo shalay shahaadada musharaxnimo qaadatay ayaa la tartameysa, dad badan waxey rumeysan yihiin in wali xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla uu kursigaasi u xiran yahay.

Sidoo kale maalmaha nagu soo foolka leh waxaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo kuraasta ku harsan maamulada Hirshabelle iyo Jubaland, kahor inta aan la aadin doorashada gudoomiyaha golaha shacabka oo Muqdisho ka dhaceysa 27ka bishan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More