Axmed Karaash oo sheegay inuu yahay madaxweynaha Puntland isagoo weeraray Deni

April 21 (Jowhar.com) -Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriirta xaalada guud ee deegaanada Puntland iyo ololaha uu Muqdisho u soo aaday Siciid C/llaahi Deni.

Karaash oo xalay soo saaray qoraal dheer oo qodobo badan oo Dastuuri ah lagu soo qaatay ayaa si cad u sheegay inuu isaga yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Puntland, wuxuuna sabab uga dhigay in Siciid Deni uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday, maadaama uu usoo guuray Muqdisho oo uu olole ka bilowday.

“Mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Axmed Karaash oo ka soo jeeda deegaanada SSC ee Somaliland qeybo kamida heysato ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay si aanu dalku u gelin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Majirto wali wax jawaab ah oo ka soo baxay dhanka Siciid Deni oo Muqdisho u yimid si uu isugu diyaariyo doorashada madaxtinimo maadaama musharax uu yahay, maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ka taagneyd dood la xiriirta in Deni uu weyn karo xilka madaxtinimo ee Puntland haduu tartamo iyo inkale,Deni wuxuu Muqdisho u soo kaxeystay gudoomiyihii baarlamaanka Puntland, si aysan xildhibaanada mooshin uga keenin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More