Sheekh Aadan Madoobe oo kulamo ka bilaabay dalka Luxembourg oo uu gaaray.

Oct. 20 (Jowhar.com) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur( Madoobe) ayaa gaaray caasimada Luxembourg City ee dalka Luxembourg.

Wafdigan ka socday dowladda Soomaaliya waxaa ku soo dhoweyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Luxembourg Mudane Fernand Etgen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey dhigiisa dalka Luxembourg Fernand Etgen, waxa uuna sheegay inta uu ku suganyahay dalkan uu kala hadli doono horumarinta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More