Xil ka qaadis lagu sameeyay gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.

Oct. 20 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo midka racfaanka gobolkan.

Sida wararku sheegayaan, Garyaqaan Salah Ali Dabaan ayaa loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda gobolka Banaadir, isagoo bedelaya Cabdi Khadar Maxamed oo xilkan hore u hayay.

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Garyaqaan Saciid Cali Maxamed (Saciid Gureey), sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan.

Mas’uuliyiintan ayaa la faray iney deg deg xilka ula wareegaan, waxeyna arrintan kusoo aadeysay xili madaxweynaha dalka uu hore u sheegay inuu isbedel ku sameynayo hay’adaha garsoorka dalka, si ay u noqdaan kowo tayeysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More