Somaliland oo biyihii iyo korontadii ka jartay magaalada Laascaanood

lasanod uprising, the perfect antithesis of Secessionist project 

Feb. 07 (Jowhar.com)-Maamulka Somaliland ayaa biyihii iyo korontadii ka jartay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasoo uu ka socdo dagaal culus oo maalinkiisii labaad galay.

Garaad C/sallaan Xasan Maxamed oo ah afhayeenka Ismida SSC ayaa warbaahinta u xaqiijiyay talaabadan oo uu ku sifeeyay mid lagu sii go’doominayo shacabka diidan duulaanka Somaliland.

Waxa ui tilmaamay in magaalada ay ku sugan tahay xiligan xaalad adag, isagoo shaaciyay in Somaliland ay duqeysay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood, walow aanu sheegin khasaaraha ka dhashay.

Garaad C/sallaan ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay mowqifka dowladda ay ka istaagtay gumaadka Somaliland ee dadka shacabka ah, wuxuuna soo jeediyay in talaabooyin dheeraad ah ay qaado dowladda, ma sheegin nooca talaabo ee ay doonayaan.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa sababay dhimashada illaa afartameeyo qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay intaasi, waxaana ku jira dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More