Xildhibaan caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Feb. 07 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo bistoolado ku hubeysan ay caawa magaaladan ku dileen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubaland.

Xildhibaanka oo si gar ah loogu dilay degmada Dharkiibnleey ayaa lagu magacaabi jiray Isaaq Maxamed Xasan, kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsatay.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo xaqiijiyay toogashada mudanahan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaanka.

Dhinaca kale kooxda Shabaab ayaa sheegatay dilkan, iyagoo sheegay in xildhibaanka uu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka, sida ay hadalka u dhigeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More