Puntland oo goordhow Hargeysa u diraysa 15 maxbuus oo ay ka haysay Somaliland.

Apr 30(Jowhar)Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Hargeysa u diraya 15 maxbuus oo Somaliland ah, kuwaasoo lagu qabtay dagaaladii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maxaabiistan loogu labisay Suudad, tani waxey meesha ka saareysaa dareeskii SSC Khaatumo ugu labistay maxaabiis dhawaan ay sii daysay oo ay u xirtay dhar ka sameysan calanka Soomaaliya.

Talaabada Puntland ayaa jawaab u ah 11 maxbuus oo Puntland kasoo jeeda oo ay Somaliland shalay soo deysay, iyadoo diyaaradii keentay lagu celinayo 15-kan maxbuus.

Arrimahan ayaa hordhac u ah dadaalo xal loogu raadinayo saameynta ka dhalatay dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood, iyadoo maamulada Somaliland iyo Puntland ay diidan yihiin in maamul

Goboleed laga dhigo SSC Khaatumo oo qolo walba ay aaminsan tahay inuu iyada hoos tago.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More