Mas’uul ka tirsan maamulka Hirshabelle oo kagu dilay magaalada Jowhar
May 20 (Jowhar)Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helay dil xalay fiidkii ay koox bistookado ku hubeysan ay ka geysteen nagaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle.
Dilka oo ka dhacay xaafadda Hantiwadaag ayaa loo geystay Dr. Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqiinay Dr. Gaalib, oo ahaa Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta ee Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladd goboleedka Hirshabelle.
Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in marxuumka ay beegsadeeb saddex dhalinyaro ah, kuwaasoo toogashada kadib goobta isaga baxsaday.
Ciidamo boolis ah oo daqiiqado kadib tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo balaaran, balse waxa ay ku guul dareysteen iney gacanta kusoo dhiggaan danbiilayaasha.
Si kastab, agaasimaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay arrimo baraarujin iyo wacyigelino waxa uu kasameenayay qaar kamid ah iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaala Degmada Jowhar si Bulshada u noqdaan kuwa hormarka ka shaqeeya cadowgana iska qabta.