Cali Guudlaawe“Hirshabeelle waxa ay reebi doontaa taariikh badbaado u ah Soomaalida”
May 19 (Jowhar) -Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa kormeeray qaar ka mid ah furimaha ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka-sida iyo kuwa deegaanka,isagoo ammaan iyo dhiirigelinba u muujiyay.
Cali Guudlaawe Madaxweynaha Hirshabelle ayaa kulamo la yeeshay Saraakiisha kala duwan ee ciidamada hoggaamineyso waxana ay la wadaageen farsamo ahaan iyo qaabka uu noqonayo howlgalka cusub ee lagu wajahayo aragagixisada.
Goobaha uu booqday Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka mid ah deegaanka War-gaadhi oo qeyb ka ah meelaha lagu wiiqay cududda Khawaarijta, waxana uu guubaabiyey halganka saraakiisha iyo ciidamadii goobta joogay.
Toddobaadyada soo socda guluf-ka mideysan ayaa soo af-jari doono howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee soo biloowday bishii barakeysneyd ee Ramadaan.
“Xaq-u-dirirka shacabka Hirshabeelle ee ku kala sugan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo ciidamada Qalabka Sida, waxay muujiyeen diiwaan ku cusub Soomaaliya mana jirto awood tan la mid ah oo taariikhda Khawaarijta ku qabsatay dagaalka. Hirshabeelle waa ay ka gudbi doontaa waqtigan adag waxana ay reebi doontaa taariikh badbaado u ah Soomaalida oo dhan.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe oo la hadlayay saraakiishii uu la kulmay maanta.
Gunaanudkii, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka Hirshabeelle, geesiyaasha nafta-u-huray iyo kuwa ku dhawaacmay dagaalka xaqa ah, waxana uu ugu baaqay in niyad-wanaag iyo wadajir lagu wajaho dagaalka argagixisada looga saarayo dalka.
Booqashadan uu ku tegey Madaxweyne Cali Guudlaawe furimaha dagaalka ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli labadii maalin ee la soo dhaafay dagaal culus uu ka dhacay deegaan ku yaal Hirshabelle halkaasoo ay dowlada federalka sheegtay in lagu diley illaa 70 ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab.