Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in 70 ka mid ah Alshabaab lagu diley dagaal ka dhacay Hirshabelle

May 18 (Jowhar)-War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa difaaca deegaanka ee Hiiraan ay ku dileen illaa 70 ka tirsan Alshabaab dagaal ka dhacay xadka  deegaano ku yaal xadka labada gobal ee Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe.

“Geesiyaasha deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta , iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan.”ayaa lagu yiri qoraalka.

War Saxaafadeedkan ayaa dowlada waxa ay ugu hambalyeysay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka guusha ay ka gaareen dagaalka.

“Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha reer Hiiraan ee cagta mariyey damaca Khawaarijta, isla markaana muujiyay geesinimo iyo adkaysi.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Iskahorimaad hubeysan oo dhaliyay qasaaare labada dhinac ayaa laga soo sheegayaa dagaal muddo labo maalmood ah ka socday xadka labada gobol.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka Alshabaab dib loo soo riixay oo haatan ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay ku dhow yihiin degmada Aadan Yabaal oo hore Alshabaab ay ula wareegtay.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More