Ra’iisul wasaare Xamze oo weerar culus ku qaaday dowlado shisheeye

May 19 (Jowhar) Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa “dowlado shisheeye” oo aanu magacaabin ku eedeyay in ay siyaasiin Soomaali ah siinayaan laaluush si ay taako ugu dhigaan horusocdka dowladda iyo guudahaan umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in marka la gaaro xilligaan oo kale ay dowladahaasi dhaqaale siiyaan siyaasiin Soomaali ah si meesha looga saaro laba arrimood ah in dalka ay doorasho qof iy cod ah ka dhacdo iyo in loo midoobo difaaca dalka.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo xalay kula hadlayay magaalada Muqdisho, dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladaha ajaanibta ah ee lidka ku ah horumarka Soomaaliya ay diidanyihiin in Soomaaliya la soo baxdo khayraadkeeda isla markaan ay u madax bannaanadaan arrimahood.

Lama oga cida uu sida tooska ah ula jeedo hadalka Xamze, balse mudooyinkan waxaa ciria sii galay khilaafka madaxda dowladda iyo Inaaraatka Carabta, Abu Dhabi ayaa lala xiriirinayaa iney taageero siineyso siyaasiyiinta mucaaradka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More