Tiro Hoobiyayaal ah oo lagu garaacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho
May 20 (Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Hoobiyayaal ah oo saaka kusoo dhawacay gudahq xerada Xalane iyo nawaaxigeeda.
Saraakiil amni ayaa ku waramaya in nooca hoobiyaha/gantaalada saaka lagu weeraray Xalane ay ahaayeen 107mm, kuwaas oo sida lasheegay laga soo tuuray degmada Deyniile, masaafa ahaanna duuli karana ugu badnaan 8.5km.
Macluumaadka la helayo ayaa intaasi kusoo daraya in 3 kamid ah Hoobiyayaasha ay gudaha u galeen xerada Xalane, kuwaas oo aan khasaare nafeed geysan.
Sidoo kale, laba kamid ah oo illaa hada aan laxaqiijin halka ay kudhaceen ayaa la rumaysan yahay inay degmada Wadajir, gaar ahaan aagga garoonka kudhaceen, kuwaas oo aan lasoo warin qasaaraha ay geysteen ilaa iyo iminka.
Ciidamo NISA iyo boolis isugu jira ayaa ku baxay aagga madaafiicda laga soo tuuray, kuwaasoo sameeyay howlgalo baaritaana ah, walow aan wax natiija ah kasoo bixin.
Kooxda Shabaab ayaa mudooyinkan kordhisay madaafiicda ay kusoo garaacdo magaalada, iyadoo aaney muuqab wax qorshe ah oo dowladda uga dagsan arrintan oo shacabka dhibaato weyn ku heysa.