Deni iyo Axmed Madoobe oo ku kulmaya Nairobi, kadibna wada aadaya Inaaraatka Carabta
May 20(Jowhar)Madaxweynaha maamulka Puntland, Sicid Deni ayaa maanta u amba-baxay dalka Itoobiya, halkaas oo uga sii gudbayo dalka Kenya.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in lagu wado in ay kulan gaar ah yeeshaan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo Nairobi ku sugan, sida ay tilmaamayaan ilo ka tirsan labada dhinac.
Kulamadan kadib, waxa ay labadooda isu sii raacayaan Imaaraadka Carabta oo labada dowlad-goboleedba saaxiib dhow la ah, iyadoo halkaasi lagu dhameystiri doonno khilaaf saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka dhex taagnaa labadan madaxweyne.
Si kastaba, Xiriirka Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in uu dib u soo noqdo tan & doorashadii DFS, iyada oo markan Garoowe iyo Kismaayo ay midaysay tallaabooyinka xukuumadda Muqdisho.