Ruushka oo qaaday weerarkii ugu waynaa tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ukraine
May 18 (Jowhar)-Ukraine ayaa sheegtay in Ruushka uu bilaabay weerarkii ugu weynaa ee uu ku qaado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah tan iyo markii uu billowday duullaanka ballaaran, iyadoo lagu beegsaday gobollo dhowr ah oo ay ku jirto Kyiv, halkaasoo ay ku dhimatay hal qof oo dumar ah.
Ruushka ayaa weerarka waxa uu bilaabay subaxnimadii saaka oo Axad ah iyadoo loo adeegsaday illaa 273 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaamedsaday gobolka dhexe, Kyiv, gobollada Dnipropetrovsk iyo Donetsk ee bariga, sida ay sheegeen ciidammada cirka ee Ukraine.
Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay in Ruushku uu bilaabay tiradii ugu badneyd ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ay ku jiraan nooca loo yaqaan Shahed, kuwaas oo 88 ka mid ah la qabtay, halka 128 kalena ay marin habaabiyeen.
Duqeymahan ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo ka dhacay duleedka Kyiv, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan saddex kale, sida ay sheegeen saraakiisha.
Xiisadan ayaa timid maalin uun ka hor kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Ruushka iyo Ukraine ayaa wada hadalo fool ka fool ah ku yeeshay Turkiga muddo ka badan saddex sano Jimcihii, laakiin wax heshiis ah laguma gaarin marka laga reebo heshiis cusub oo maxaabiis isku dhaafsi ah.
Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa sheegay Axadii in isaga iyo hogaamiyayaasha Britain, France, iyo Poland ay kulan dhanka qadka isgaarsiinta ah la yeelan doonaan Trump ka hor inta uusan la hadlin Putin subaxnimada Isniinta.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in weeraradii habeenkii sabtida ay muujinayeen in Ruushku aanu wax niyad ah u haynin joojinta dagaalka, inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo xabad joojinta.