Madaxweyne Xasan oo boqolaal shacab ah salaada ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Jun 06 (Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Carafo, Kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiin iyo howlwadeennnada hay’adaha Dowladda.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa oo ah astaan midnimo, isjacayl iyo farxadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay kaalinta lama ilaawaanka ah ee Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Halyeeyada xaq u dirirka ahi ay ku leeyihiin in si nabad loogu Ciido Caasimadda dalka iyo guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Ciidamada, taageeridda  iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah iyo ka shaqeynta danta guud

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, Sarreeyaasha, Saraakiisha, Ciidamada iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More