Gudoomiye Muungaab oo xilka ka qaaday gudoomiyaha degmada Warta-nabada
Jun 14 (Jowhar)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda.
Waxaa xilkan laga qaaday Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Warsame.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Warta Nabadda in uu mudnaan siiyo harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.
Waa mas’uulkii 3-aad uu Duqa Miqdisho xilka ka qaado tan iyo markii dib loosoo magacaabay.