Iran oo qabatay baabuur Drone waday oo ay lahayd Israel si ay weeraro u geysato

Screenshot

Jun 13 (Jowhar)-Warbaahinta Iran, ayaa ku warramaya in sirdoonka Iran, gacanta ku dhigeen labo gaari oo lagu soo dhex qariyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaasoo u muuqda in loo diyaarinayay weerarro laga abaabulo gudaha Iran inay Israel fuliso.

Labada gaari ee la qabtay mid waxaa lagu sheegay inuu ahaa xamuul, waxaana lagu qabtay gobolka Zanjan, halka gaariga kalena uu ahaa Toyota Hilux oo lagu qabtay magaalada Kermanshah. Waxaa kaloo la xiray shaqsiyaad la sheegay in lagu tuhmayo la shaqeynta sirdoonka Israel.

Ma jiro macluumaad rasmi ah oo ay sirdoonka Iran baahiyeen, balse haddii la xaqiijiyo gaadiidkan in lagu soo qoriyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xilli horraantii Jimcihii ay Israa’iil qiratay weerarrada ay ka fulisay Tehran in qaar ka mid ah laga abaabulay gudaha,muddana saldhigyo ay halkaa ku lahaayeen Mossad , wuxuu weerarka dib inoo xasuusinaya howlgalkii kowdii bishan June ay Ukraine ka fulisay gudaha Ruushka , oo sidan oo kale gaadiid lagu qariyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn gudaha loo geliyay Ruushka!

Xaaladan , sidoo kale waxay kicinaysa sirdoonka Ruushka , maaddama labada weerar ay u dhacayaan si isku mid ah, taa oo dhalinaysa in weerarkii Ruushka ka dhacayna ay wax ka diyaarisay Mossad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More