Iiraan oo gantaalada ballastikada ku weerartay Israel

Jun 13 (Jowhar)-Iiraan ayaa boqolaal gantaal oo ballistic ah ku riday Israel, iyadoo qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, weeraradan gantaalada ah ayaa dowlada Iiraan u tilmaantay inay jawaab u tahay weeraradii y Israa’il ay ka geysatay Iran.

Weerarkii Israa’iil ee Iran: Israa’iil waxay hore u qaadday weerarro aan horay loo arag oo Iran, oo ay ku bar-tilmaameedsatay barnaamijkeeda nukliyeerka iyo hoggaamiyeyaasha milatariga. Weeraradu waxay ku sii socdeen magaalooyin badan oo dalka ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dad ku dhow labaatan ruux ay dhaawacyo ka soo gaareen gantaalada agu weeraray magaalada Tel Aviv.

Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Tel Aviv iyadoo dhismayaal Dabaqyo casri ah ay ku dhaceen gantaalada laga soo ridy Iran, sida ay muujinayaan muuqaalo toos ah oo laga soo qaaday goobta uu gantaalku ku dhacy halkaasuu uu dab ka kacay, dabka ayaa weli u muuqda inuu ka socdo qaar ka mid ah guryahaasi, iyadoo uu qiiq ka baxayo dhismahaasi.

Dhisme kale oo la deggan yahay, oo ku dheggan dabaqaas, ayaa isna u muuqda inuu soo gaaray burbur xooggan, Dhawaaqa digniinta ah laga maqlayo guud ahaan Israa’iil iyadoo ay jirto weerarro gantaallo ah oo Iran ay kaga jawaabayso weerarrada Israa’iil.

Sida ay daabaceen warbaahin laga leeyahay Isra’il gaar ahaan Kanaalka 13-aad ee Israa’iil ayaa ku soo warramaya in dab ka kacay meel u dhow xarunta Wasaaradda Difaaca Israa’iil ee Tel Aviv, halka Israa’iil Hayom ay sheegtay in gantaallo ay ku dhaceen toddoba goobood oo ku yaalla bartamaha Israa’iil.

Sarkaal u hadlay ciidamada Iiran ayaa sheegay in ay dhawr diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada Israil ay soo rideen isla markaana ay gacanta ku hayaan duuliyayaal u dhashay Isra’il.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in ciidamada Iran ay fuliyeen weerar ay ku burburiyeen tobaneeyo bartilmaameedyo, xarumo militari iyo saldhigyo cirka ah oo ku yaalla Israa’iil, iyadoo la raacayo amarka hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ali Khamenei.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Israa’iil ay billowday dagaal, wuxuuna sheegay in aan loo oggolaan doonin in ay samayso weerarro ku-dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Xigasho;Aljazeera

Kala soco wixii ku soo kordha dagaalka Iiraan iyo Israel  jowhar.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More