Israel oo Weerar culus ku qaaday Goobo Nukliyeer iyo Talisyo Ciidan Iiraan ah
Jun 13( Jowhar)Israel ayaa qaaday weerarro cirka ah oo lagu beegsaday Iran, gaar ahaan xarumaha nukliyeerka, warshadaha gantaallada ridada dheer, iyo saraakiil ciidan oo sarsare, taasoo ah bilowga howlgal ay sheegtay inuu noqon doono mid dheer si looga hortago in Tehran ay samayso hub nukliyeer ah.
Warbaahinta Iran iyo dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay meelo kala duwan, oo ay ku jirto xarunta ugu weyn ee lagu kobciyo uranium-ka ee Natanz. Dhanka kale, Israel ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah iyada oo ka baqaysa weerarro aargoosi ah oo ah gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa sheegay in taliyahooda ugu sarreeya, Hossein Salami, lagu dilay weerarka, waxaana warbaahinta dawladda Iran ay sheegtay in xaruntii dhexe ee cutubkaasi ee Tehran la beegsaday. Waxaa sidoo kale la sheegay in weerar lagu qaaday xaafad ku taalla caasimadda ay ku dhinteen dhowr carruur ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa farriin muuqaal ah ku sheegay iney qaadeen duullaan milatari oo si gaar ah loo qorsheeyay si loo hakiyo khatarta Iran ee nolosha Israel, wuxuu sheegay iney Howlgalkani uu sii socon doonaa ilaa laga tirtiro khatartaas.
Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay weerarka Israel Gacan dhiigley oo khatar ku ciyaareysi, wuxuuna sheegay in Israel “ay la kulmi doonto weerar aargoosi ah oo kharaar.”
Sarkaal milatari oo Israeli ah ayaa qiray wal walka ay ku heyso weerark aargoosi ah, wuxuu qirayin Iran ay haysato agab ku filan si ay u samayso bam nukliyeer 15 maalin gudahood.
Mareykanka ayaa sheegay inuusan wax door ah ku lahayn howlgalkaasi, balse waxay sare u qaaday khatarta ah in xiisad cusub ay ka qaraxdo Bariga Dhexe, oo ah gobol muhiim u ah wax soo saarka shidaalka caalamka.
Warbixin ka timid Axios oo soo xiganaysa sarkaal sare oo Israeli ah ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ay horseed ka ahayd howlgallo qarsoodi ah oo burburin ah oo ka dhacay gudaha Iran, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday xarumo istaraatiiji ah oo gantaallada iyo difaaca hawada.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sidoo kale sheegtay in labo saynisyahano oo ka tirsan qaybta nukliyeerka – Fereydoun Abbasi iyo Mohammad Mehdi Tehranchi – lagu dilay weerarro ka dhacay Tehran.
Garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Tel Aviv ayaa la xiray ilaa amar dambe, halka ciidamada difaaca cirka ee Israel la geliyay heegan buuxa si ay uga jawaabaan suurtagalnimada weerarro aargoosi ah oo ka yimaada Iran.