Iran oo 10 Israel ah ku dishay weeraradii u danbeeyay ee Haifa iyo Tel Aviv
Jun 15 (Jowhar)- Iiraan waxay gantaallo ku garaacday bartilmaameedyo ku kala yaalla guud ahaan Israa’iil, oo ay ku jiraan meelaha u dhow Haifa iyo Tel Aviv, iyadoo ugu yaraan 10 qof ay dhinteen, sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo warbaahinno.
Weerarada Iiraan waxay yimaadeen kadib markii ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen goobo rayid iyo kaabayaasha tamarta oo ku yaalla Iran, taasoo keentay dab ka kacay xarunta shidaalka Shahran ee Tehran.
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay iney bartilmaameedyadoodu ahaayeen “goobo la xiriira mashruuca hubka nukliyeerka ee nidaamka Iran”.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in weerarada Israa’iil ay sababeen dhimashada ugu yaraan 80 qof iyo dhaawaca 800 qof labadii maalmood ee la soo dhaafay. Dadka la dilay waxaa ku jira 20 carruur ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in isaga iyo dhiggiisa Vladimir Putin (Madaxweynaha Ruushka) ay ku heshiiyeen in colaadda u dhexeysa Israa’iil iyo Iran ay tahay in la joojiyo.
Iiraan ayaa joojisay wareeggii lixaad ee wadahadallada nukliyeerka ee ay la lahayd Mareykanka, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda Abbas Araghchi uu sheegay in aysan jirin sabab ay wadahadalladu u sii socdaan iyadoo weerarrada Israa’iil ay weli socdaan.