Khasaaraha aysan Iiraan waligeed kasoo kaban doonin

Jun 13 (Jowhar)- Weerarkii Israel ay Jimcihii ku qaaday Iiraan, walow taliyayaal badan oo muhiim ahaa la dilay xarumo ciidanna la burburiyay waxaa la leeyahay khasaarahaasi xukuunada Tehean wey kasoo baban kartaa balse kama soo kaban doonto Saynis yahandii looga dilay weerarkii shakay.

Wadar ahaan, lix saynisyahan oo nukliyeer ah ayaa lagu dilay weerarradii Israel.

Wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iran waxay laba ka mid ah Lixdaa la dilay ku tilmaantay “saynisyahanno nukliyeer oo waaweyn”, kuwaas oo kala ah Mohammad Mehdi Tehranchi iyo Fereydoun Abbasi.

Mohammad Mehdi Tehranchi, wuxuu ahaa bare sare oo ku takhasusay fiisigiska aragtida (theoretical physics), wuxuu sidoo kale ahaa madaxweynaha Jaamacadda Azad ee Islaamiga ah ee Iran. Bishii Maarso 2020, waxaa lagu daray liiska “shakhsiyaadka wax u dhimaya amniga qaran ama danaha siyaasadeed ee dibadda ee Mareykanka”. Dhismo hoy u ahaa isaga iyo saynisyahanno kale ayaa si daran loogu burburiyay weerarkii subaxnimdii Jimcaha.

Fereydoun Abbasi wuxuu horay u ahaa madaxa Hey’adda Tamarta Nukliyeerka Iran (AEOI) iyo xubin ka tirsan baarlamaanka Iran. Wuxuu haystay PhD dhanka fiisigiska nukliyeerka ah, wuxuuna cilmi-baaris nukliyeer ah ku sameeyay wasaaradda difaaca. Sanadkii 2010, Abbasi wuxuu ka badbaaday laba qarax oo ka dhacay Tehran, kuwaasoo dilay saynisyahan kale oo lagu magacaabi jiray Majid Shahriari. Iran waxay ku eedeysay Israel inay ka dambeysay weerarka, inkastoo Israel aysan xaqiijin ama beenin eeddaas.

Wakaaladda wararka ee Tasnim waxay sidoo kale baahisay xogta iyo magacowday saynisyahannada kale ee la dilay:

Abdolhamid Minouchehr, wuxuu haystay PhD dhanka injineeriyadda nukliyeerka, wuxuu ahaa madaxa kulliyadda injineeriyadda nukliyeerka ee Jaamacadda Shahid Beheshti, wuxuu sameeyay cilmi-baaris ballaaran oo lagu horumarinayo wax-soo-saarka iyo badbaadada xarumaha nukliyeerka.

Ahmad Reza Zolfaghari, wuxuu bare sare ka ahaa Jaamacadda Shahid Beheshti, gaar ahaan kuliyadda injineeriyadda nukliyeerka.

Amir Hossein Faghihi, wuxuu ka tirsanaa kulliyadda injineeriyadda ee Jaamacadda Shahid Beheshti, sidoo kale wuxuu horey u ahaa ku-xigeenka madaxweynaha Hey’adda Tamarta Nukliyeerka Iran iyo madaxa Machadka Cilmi-baarista Sayniska iyo Teknolojiyadda Nukliyeerka.

Motallebzadeh, wuxuu saynisyahan nukliyeer ah oo waxaa lagu bartilmaameedsaday laguna dilay isaga iyo xaaskiisa weerarkii shalay.

Faayiz Al-Duwayri oo ah khabiir millateri oo aad uga faallooda arrimaha bariga dhexe khibrad badanna leh oo ka hadlay dhimashada Saynisyahanadan ayaa yiri: Khasaaraha aysan Iiraan marnaba kasoo kaban karin: waa dilkii loo gaystay saynisyahannadii culuumta Nukliyeer ka. 6 ilaa 9 saynisyahan oo rag culus ahaa ayaa la dilay. Wuxuu sheegay in nin walba uu majaal kaan ku jiray 30 wax ka badan, ayna ahaayeen rag aad u khibrad badan oo aan marnaba laga soo kabsan karin wayitaankooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More