Iiraan oo duqeysay safaarada Mareykanka ee Israel iyo khasaare ka dhashay
Jun 16 (Jowhar)-Dowladaha Mareykanka ayaa sheegtay in gantaalada Iiraan ay ku garaaceyso magaalooyinka Israel uu saameeyay safaaradooda ku taala caasimadda Israel.
Safiirka Mareykanka ee Israel oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in mid kamid ah Gantaakada Iiraan uu ku dhacay meel kudhow safaaradooda Tel Aviv.
Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayuu tilmaamay inuu sababay gantaalkaasi, muusan kala cadeyn xadiga khasaaraha iyo hadii uu jiro shaqaalo waxyeelo ka noqotay.
“Waxaa jiray khasaare yar kadib markii gantaal Iiraani ah uu ku dhacay agagaarka safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv, mana jiraan wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaheenna” ayuu yiri safiirka Mareykanka.
Si kastaba, dagaalka Iiraan iyo Israel oo galay maalinkii 4-aad ayaa ka dhashay khasaare culus oo kala gaaray labada dhinac, Xukuumada Tehran ayaa gantaalo culus ku garaaceysa nagaalooyinka Israel, iyadoo shacabka ay guryohoodii isaga carareen.