Fashil ku yimid qorshe la doonayay in Senator Gaboose looga sii daayo xabsi guriga Kismaayo
Jul 12 (Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inuu dhicisoobay qorshe lagu doonayay in xabsi guriga looga sii daayo Senator Ilyaas Gaboose oo ah mudane ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Senatorka oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland isagoo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa loo diiday inuu ka boxo magaalada tan iyo dhamaadka bishii November sanadkii hore ee 2024.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray wadahadalo dhexmaray Ugaasyo iyo Odayaal dhaqan oo ku sugan dowlad deegaanka iyo madaxweyne Axmed Madoobe, wadahadalka oo aad la isugu soo dhawaaday ayaa la isku raacay in Ugaasyada ay yimaadaan Kismaayo, si loogu wareejiyo Senatorka oo aqal ku yaala Kismaayo isaga dhex jira.
Wadahadaladan waxaa garwadeen ka ahaa xildhibaano ka tirsan dowlad deegaanka oo ay isku reer hoose yihiin Senatorka iyo Axmed Madoobe.
Qorshaha waxa uu ahaa in Wafdigan dowlad deegaanka kasoo socda oo sida xogaha sheegayaan haatan ku sugan Adis-ababa si ay uga soo duulaan loo sheegay iney dib u dhigaan socdaalkooda mudo afar todobaad ah ama Bil, soo jeedintan waxey ka timid dhanka Jubaland.
Wufuuda oo aqbashay dalabkan ayaa dib isaga laabanaya magaalada Gabo gabo ee dowlad deegaanka oo ah halka ay markoodii hore ka yimaadeen.
Xogo kale waxey tilmaamaayaan inuu Axmed Madoobe go’aankan uu u qaatay sabbao la xiriira culeys dowladda saacadihii lasoo dhaafay ay saartay gobolka Gedo oo uu deg deg ugu baxay Maxamuud Seyd Aadan oo kuxigeenka Madoobe ah iyo xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaa loo badinayaa inuu Axmed Madoobe Senatorka mar madaxweyne-nimada Jubaland sheegtay uu fasoxo marka ay u qabsoonto caleema saarka Axmed Madoobe oo abaabulkeeda uu ka socdo Muqdisho, Nairobi, Kismaayo iyo Garoowe.